Alle Dartiis Waxaad uga Tagtid Rabi waxa uu kugu Badalaa Shay ka kheyr badan.
Sheekh Cali Dandaawi Alle Ha U Naxariisto Waxa uu Ku yiri Xasuus Qorkiisi:
Dimishiq Waxaa Ku Yaalay Masjid Wayn OO La yiraahdo Jaamic Al Tawbah ,Waa Jaamic Wayn oo Qurux Badan oo Barakaysan Waxa uu Kub ooli Jiray Meel Macaasida Lagu Sameeyo barigii Hore Kadibna waxaa Iibsaday Mid kamid Ah Boqoradii Qarnigii Todobaad Ee Hijriga intuu Dumiey Ayuu Masjid Ka Dhisay.
Masjidka waxaa Joogi Jiray Sheekh Ilaa Todobaatan jir Ah Magaciisana Waxa Uu Ahaa Sulaym Al Suyuudi Dadka xaafada Daggana Aad Bay Ugu Kalsoonaayeen Wixii Ku Saabsan Arimaha Diintooda Iyo duunyadoodaba Way Ula Noqon Jireen Sheekha Waxaa La joogi Jiray Arday Aad U dhawrsani Badan OO Aan Waxba Haysan Masjidka Ayuu Qol Ka Daganaa Waxaa Soo Maray Ardaygaas Inuu Labo Maalin Wax Cunin Maalintii Sadexaad Ayuu Is Yiri Waad Dhiminaysaa Waxa Uu Ka Fekaray Waxa Uu Samayn Lahaa Markaasuu Wuxuu Is Tusiyey In Ay U Banaan Tahay Inuu Wax Xaddo Si Uu Dhimishada Ugu Badbaado.
Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay Qisadan Waa Dhab Dadka Ay Ku Dhacdayna Waan Garanayaa.
Masjidka Waxa Uu Ku yaalay Xaafado Qadiim Ah guryaha barigii horena way xidhiidhsanaan Jireen oo dhinac ayeey isku wada hayeen qofkuna wuxuu Awooday inuu Guri intuu fuulo uu Xaafada Dhan isu wada maro.
Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuulay Kadibna Wuxuu Ku dul socday xaafadihii xaafadihii isku dhegsanaa indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ku ildaabtay oo wuu ku fogaaday waxa uu Arkay Gurigii oo cidlo Ah oo Ay Kasoo Baxayso Urta Karinta Cuntada Gaajadii Haysay Awgeed Sidii Birlabtii oo Kale Ayaa Dhanka Guriga Looga jiiday gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna jikadii buu Galay digsigii dabka saarnaa Ayuu ka qaaday mise waxaa karkaraya Hilib Mid buu la soo baxay ma uusan Awoodin in uu cunno Caqligiisa iyo Diintiisa baa u soo noqday Waxuu uu yiri''Acuudu bilaahi Ma Anigoo Daalibul Cilmi Ah oo waliba Masjidka daggen Ayaan Guryaha dadka u dhacayaa oo xadayaaWuxuu sameeyey Ayaa la waynaaday kadibna wuu istiqfaarsaday wuxuu ku celiyey Baadijaankii dherigii Kadibna waxa uu kusoo Noqday meeshuu ka yimid Sheekhii Darsiga bixinayey buu iska Ag fariistay Isagoo Aan awoodin inuu maqlo sheekha Hadalkiisa Gaajo Awgeed.
dhamaad Qaybtii 1aad
Markii Darsigii dhamaadey ee ay dadkii kala dareereen, waxaa sheekhii u timid Haweeney is asturaysa Dumarkuna xiligaas Way asturnaayeen, Sheekhii bay la hadashey hadal uusan maqlin Ardaygu, kadibna sheekhii baa dhinicii ardayga soo jalleecay kaligiis buu arkey inuu ka joogo ardaydii, markaasuu u yeedhey wuxuu ku yiri" Reer Ma leedahay? Ardaygii wuxuu yiri Maya" Sheekhii wuxu ku yiri Guur ma doonaysaa? Kadibna wuu aamusey, Sheekhii ayaa mar labaad ku celiyey Guur ma doonaysaa? Markaasuu ardaygii ku yiri Yaa Sayidii Rooti waxaan siisto ma haysto Maxaan ku guursadaa?
Sheekhii wuxuu ku yiri Haweentani waxay ii sheegtey in ninkeedii uu dhintey Magaaladanna way ku cusubtahay, Cidna uma joogto aan ka ahayn Adeerkeed oo Wayn, wuuna la socdaa hadda, waxayna dhaxashey gurigii ninkeeda iyo macaashkiisi, waxayna rabtaa inay hesho nin ay ku guursato Sunada Rasuulka SCW, Si aysan u kaliyoon, oo aysan markaa u damaaciyin Dadka xun xun, ee Ma rabtaa inaad guursato?
Ardaygii wuxuu yiri Haaah, Haweentii buu waydiiyey wuxuu ku yiri Ninkaan adiguna ma rabtaa haween yahay? Waxay tiri haaah, Adeerkeed buu u yeedhey iyo laba markhaati, Meherkiina Sheekhii baa ka dhiibey wuxuuna ku yiri Qabso Ninkaaga, Kadibna gacantiisii bay qabsatey oo gurigeedii bay la aadey, Markey gurigii gashey Ayeey wayjigii iska faydey, Mise waaba Gabadh dhalin yaro ah oo Quruxbadan, Gurigii buu eegey Mise waa gurigii markii dhawayd Is lahaa Ka xad baadijaanka, Waxay ku tiri wax ma cunaysaa Markaasu yiri haah, Kijadii bay gashey waxay daboolka ka qaadey Dherigii waxay tiri Cajiib badanaa guriga ayaa soo galay maanta, Ardaygii waa ooyey Qisadiii buu uga sheekeeyey, waxay ku tiri tani waa Midhaha Amaanada waxaad ka dhawrsatey inaad cunto baadijaan xaaraam ah, ilaahay wuxuu ku siiyey gurigii dhammaa iyo gabadhii lahayd si xalaal ah
Qiso Cajiib ah: Gabar Alle ka cabsi badneyd.
QISO CAJIIB AH.
Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo ay qoreen Culumada Islaamka, ayaan Maanta idiin soo Bandhigeynaa. Qisadaan oo Run ahaantii noqon doonta mid Dareen Baaxad leh kugu Reeb...ta.
Gabar aad u Qurux badneed, Hanaan Wacana ilaahey ku Maneystay ayaa waxaa la Sheegay inuu aad uga Helay Nin ay meel isku Arkeen, Ninkii ayaana aad ula Yaabay Gabadhaan Quruxdeeda iyo Qaabka ilaah u Sameeyay.
Ninkaan ayaa isku dayay inuu Gabadhan Xiriir la Sameeyo, si uu ula Sheekeysto, balse marar badan ayey ku Gacan Seyrtay, Iyado ka diiday inuu Hadal la Furto. Ninkii ayaa Waddo walba u soo maray siduu mar uun ku Heli lah