Waxaa jirtay hooyo
waayeel ah iyo wiil ay dhashay oo guri qudha wada deganaa, wuxuuna qabay xaas
aad u xun oo markastaba ku diri jirtay Waalidkiis.
Maalin maalmaha ka mid ah buu wiilkii ka yimid shaqada, wuxuuna galay
gurigiisa, isagoo careysan buu qolkii ka soo baxay wuxuuna hadal ku gubay
qalbiga naxariista badan ee hooyadiis.
Wiilkii baa hooyadiis ku jees jeesay oo ku yiri “Wajigaada waan dhibsaday ee na
keen waxaan ku geyn doonaa meel aad ka sheekeyn doonto”.
Hooyadu meysan garan wuxuu kala jeedo hadalkan wiilkeeda, wuxuuna geeyay buur
dheer isagoo go’aansaday inuu cirifka sare ee buurta ka soo tuuro.wuxuuna yiri
“Waad ka leexan weysay xaaskeyga ee iska samir maanta ayaa kugu dambeysay dhib
dambe oo aad xaaskeyga dhibto”.
Hooyadii oo ilmeyneysa ayaa iyadoo deggan waxay tiri”Waxaad doonto samee
laakiin ii ogolow inaan tukado labo rakco oo salaad ah”.
Wuuu ka ogolaaday laakiin markay salaama dhaqsatay baa waxaa wiilkii qeybtuu
taagnaa buurta la go’day wuxuuna galay dhulka hoose, isagoo aad u qeylinaya.
Hooyadii baa qeylisay, ilaa ay maqleen dadkii magaalada joogay, waxayna
codsatay in wiilkeeda laga soo saaro buurta laakin lama awoodin ilaa loo tagay
wadaadkii deegaanka oo sheegay inaysan jirin cid buurtan ka soo hoos bixin
karta waayo wuxuu mutay “Abaal marinti caasinta waalidka” wuxuu shiikhu sii
raaciyay inay iyada docadeeda ku badbaadin karto oo kali ah.Hooyadii waxay
sacbaha u hoorsatay Ilaahay oo kadibna wiilkii isagoo cidna saacidin ka soo
baxay buurtii hoosteeda, halkaasna waxaa ku cibra qaataydadki goobta joogay iyo
intii qisadan ay soo gaartay.
Wiilkii wuu noolaaday laakiin maawoodin inuu wax ku cabo, ama ku cuno ilaa
gacanta hooyadiis maahee, hadii uu qof kale wax ka cuno ama ka cabo si’ kastaba
lagama yaabo inuu dhergo.
Sidaasna waxaa ilaahay ku hanuuniyay wiilki oo billaabay inuu hooyadiis u
ixsaan falo, walaal hadii aad is-leedahay xoogaa caasin ah baa kugu jirta
fadlan qalbiga fur waalidkaana saacid ileen laantood ma jirneene.
No comments:
Post a Comment