Tuesday, December 5, 2023

Qiso xigmad badan (Daacad,Been ,Khiyaano)

 

Bari Baa waxaa Safar Wada Galay Saddex nin oo Saaxiibo Ahaa waxaa Lakala oran jiray Daacad ,Beenlow ,khiyaano.

Daacad waxa uu watay Timir Beenlowna Hilib solan Khiyaanana waxa uu watay muufo iyo Biyo waxaa lagu heshiiyey ninkasta in markii Sahaydiisa Ka dhamaato midka Kale wax ka siiyo.

Markii La socday maalintii oo Dhan baa Habeenkii Geed Hoos yimaadeen Nimankii 

Kadib way seexdeen subaxii Bay ka Kalaheen Makay Cabaar socdeen baa Beenlow Hilibkii Ka dhamaatay Ka Dib waxaa caawiyey oo siiyey timirtii Qaarkeed cabaar markii LA socday Baa khiyaanolow isagana waxaa ka Dhamaatay muufadii waxaa isna caawiyey Daacad.

Markii in Muddo Ah LA socday Baa Daacad waxa Uu U baahday Biyo khiyaanoloow baa biyahii u diiday Habeenkii Markii lagaaray Baa ceel ku yimaadeen ceelkii yaa Galaya baa LA iswaydiiyey Daacad baa Galay Markii Ceelka Biyihii Ay ka Dhargeen Buu waxa uu yiri Wadaantaa qabsanayaaye Isoo jiida Markay Soo Jiideen oo Dhexda Marinayaan Baa Bay Xarigii ugu Fuqeen Saa ceelkii buu ku dhacay Lugna waa Jabtay iyagiina way ka Tageen.

Maalinkii Markii LA gaaray Baa Ceelkii waxaa yimid Niman Safar Ah Oo Kadib wadaantii Bay soo dareen Ninkii miskiinka Ahaa Wadaantii Buu Qabsaday Banaankiina Buu yimid Nimankii way LA yaabeen waxay waydiiyeen Meesha maxaa kugaliyey waxa uu ku yiri"Niman saaxiibaday Ah baa ceelka biyo uga dhaanshay  markaan Rabay inaan kasoo Baxo Bay xarigii wadaanta igaga Fuqeen.

Nimankii waxay ninkii siiyeen Cunto biyo Dawo Geed Hoostiina Bay Kaga Tageen Habeenkii markii LA Gaaray Baa Ceelkii waxaa yimid Jin Jinkii waxa uu Leeyahay Walee Shan Faroodle waxba MA oga Buurtaan Ceelka u Dhow Waxaa ka Buuxa Dahab Mideeda Kale Geedkaan Ceelka ku Ag yaalana waxa uu Dawa U yahay Dadka Curyaamada Ah.

Ninkii Maalinkii Dambe Niman Safar Ah baa Magaalada u Qaaday waxa uuna ku yiri Ii Geeya Boqorka Kadib waa loo Geeyey Boqorku waxa uu Dhalay Gabar Curyaan Ah.

Waxa uu Ku yiri"Boqorow Gabadhaada Geed Dawo U Ah Baan Hayaa Boqorkii waxa Uu yiri Hadaad keentid Geedkaas Gabadha waan ku siinayaa LA Taliyana waan kaa Dhigayaa.

Ninkii Geedkii ceelka Buu Aaday wuxa uu soo gooey celeemihiisii Gabadhii Boqorka Buu siinayay Muddo Bil Ah Gabadhii way caafimaaday Kadib Ninkii Daacad Ha Boqorkii waxa uu ku yiri MA Ogtahay in Buuraha u dhow ceelka Dahab Ka buuxaan Boqorkii Dahabkii buu Soo qoday Kadib Boqorkii waxa uu u Guuriyey Gabadhiisa Ninkii Daacad Ahaa

Ayaan Ka Dib Boqorkii waa dhintay Boqortooyadii waxaa la wareegay Ninkii Daacad Ahaa.

Ayaan Kadib Baa waxaa warkii Maqlay Nimankii Ka Tagay saaxiibkood ceelkii Bay yimaadeen Way Dhax Galeen Habeenkii Baa jin Baa yimaaday waxay Dhaheen Sirteenii waa LA Maqlay kadib ceelkii Oo Dhan way Aaseen.

Nimankiina Halkaas Bay Ku dhinteen.

Dulucda Qisada :God khiyaamo Ha Qadin Hadaad. Qodina Ha dheereen Ku dhici Doontiyo MA Ogadi.

W/Q Abdihamid Sh.Hassan Daahir

Maamulaha Blogga Qisooyin1.blogspot.com 

Gmail:abdihamidhassan500@gmail.com. 

No comments:

Post a Comment

JAAMACADO MISE GOOBO GANACSI?

 D alka Soomaaliya Sanad Kasta Waxaa Ka Qalinjabiye Kumanaan Arday Oo Dhameeyey Dhaman Qaybaha Kala Duwan Kuliyadaha Jaamacadahaas. Waxaa Ma...