Monday, January 22, 2024

 Maa Runta La isku Sheego?











Inta badan Qofka Bani Aadamka Ah waa Uu Dhashaa ,Koraa ,waalid buu Noqdaa Cimriguna waa Socdaa

Intaas waa Xaaladaha Guud OO uu Qofku Uu Maro Marka Laga yimaado Xaaladahaas Qofku Uu Marayo

Waxaa Jira Duruufo Qofka Soo Wajaha oo Dhan Kasta Ah Kuwaas OO uu Qofku Maro.

Qofka markuu Dhalinyara Yahay Inta Badan waxa uu U baahanyahay Wax Haga oo Tusaaleeya oo Wax u Sheega Soomaalidu Horay Waxay U Tiri" 20 Jir Intuu Geed Kaboodo Buu Talo Ka Boodaa. 

Maanta waxaad Tahay Qof Dhalinyaro Ah Waxaad Haysataa Xoog,Wakhti,Caafimaad 

Wakhti Ka Dib Saddexdaas Mid baa Tagaya Ama labo Kamid Ah Marka Waxaa Loo Baahanyahay Marka Laga Yimaado Kaftanka In Aad Leedahay Qorshe Nololeed Kuu Dagsan Waxaa La Sheegaa In Qofka Bani Aadamka Mustaqbalkiisa uu Jaangooyo Sida Uu Dhaqmo Inta U dhaxaysa Dada 20---35.

15 Kaa Sano Baa Qofka Wax Ka Badali Karaa   Qofka Dhalinyarada Hadba Siduu U dhaqmo.

Maanta waxaad Tahay NIn Dhalinyaro Ah OO Aan Waxba Haysan  Shaqo La,aan Ah ,Hanti La,aan Ah ,Xaas La,aan AH Maanta Cidna Kuuma Baahna Oo Kuma Rabto

Hadalkaaga Iyo Rayigaaga Waxaa Lag Yaabaa Inaan La ixtiraamin Oo Aan Waxba Laga Soo Qaadin Maadaama Aadan Hanti Lahayn

Is Badalku Waa Adagyahay Wax Kasta Markii La Rabo In La Badalo Waa Ay Adkaanaysaa

Tusaale Nabi Muxamed CSW Inta Uusan Nabigu Noqon Tolkii Waa Ay Jeclaayaan Oo waxay Oran Jireen Runlowgii Runta Badnaa.

Ka Dib Markuu Nabiga Noqday Oo Ilaahay SWTC U diray Qoomkiisa Waa Ay La Coloobeen.

Adiga Akhristow Naftaada Markaad La Rabtid Is Badal Waa Ay Adkaanaysaa In Maalmaha Hore Laakiin Mudo Ka Dib Waa Ay La qabsanaysaa Marka Xanuunka Isbadalka u Adkayso

Si Aad Ugu Raaxaysato Noloshaada Inta Kahartay

Intaad Faqriga TAHAY Cidna kuuma Baahna Laakiin Maalinkaad Meel Iska Soo Saartid Oo Noqotid Qof muuqda OO Wax Qabsaday Markaas Bay Dadka Ku Jeclaanayaan OO Agtooda Qiimo Ka leedahay.

Marka Walaalayaal  Aan Runta Isku Sheegno?




No comments:

Post a Comment

JAAMACADO MISE GOOBO GANACSI?

 D alka Soomaaliya Sanad Kasta Waxaa Ka Qalinjabiye Kumanaan Arday Oo Dhameeyey Dhaman Qaybaha Kala Duwan Kuliyadaha Jaamacadahaas. Waxaa Ma...