Wednesday, March 6, 2024

JAAMACADO MISE GOOBO GANACSI?


 Dalka Soomaaliya Sanad Kasta Waxaa Ka Qalinjabiye Kumanaan Arday Oo Dhameeyey Dhaman Qaybaha Kala Duwan Kuliyadaha Jaamacadahaas.

Waxaa Marka Is Waydiin Mudan Dhamaan Ardaydaas Xagee Bay Aadeen Maxaase Ka Dhigay Abqo OO Kale oo Asal Ma Doorshe Ah Oo Aan waxba soo Kordhinayn OO Waxaad Arkaysaa Iyadoo Markii Lasoo Dhajiyo Boos Shaqo Ay Dad badan Imtixaan U Galayaan.

Dhibaatadu Xagee Ka Timid?

Dhibaatada U badan waxay ka Timid jaamacaadkaas maamulkeeda iyo Muqararka Ardayga uu Qaadanayo.

Dad baa W axay Leeyihiin Dhibaatadu Waxay Ka Timid Dawlad La,aan Taasi Waa Been Iyo waxaan Jirin Waana Aragti La iska Yiri.

Aniga Waxaan Dhiganayey Jaamacad Muddo 4 Sanno Wax Aan Ka Faaiday Way iska yar Tahay

Aan Ka Ahayn Inaan Bartay ( Self study) Inaan Naftayda Aan Wax Baro Aan Ka Ahayn Laakiin Waxaa Kula Talin Lahaa Qof Kasta Oo Sanadkaan  Dugsi Sarre Dhamaynaya Waxaan Dhihi Lahaa Qorshayaal Kale Dagso Sida Inaad Xirfad Barato Oo Aad Ku Shaqaysato Laakiin Jaamacad Waxba Kuu Kordhin Mayso Qofkii Kale Soo Ma ahan Oo Ay Ka Go'an Tahay Inuu Jaamacad bilaabo Dalka Dibadiisa Ha Aado Gaar Ahaan Ardaygii Baranaya Kuliyadaha Muhiimka Ah Sida( Caafimaadka,Engeneering) Waxaa Haboon Inuu dalka Dibadiisa Aado Ama Scholarship Baarto.

Qiso Naxdin Leh oo Aan Ku Arkay Mid Ka mid Ah Jaamacadaha Wadanka

maalin kamid Ah Anigoo Imtixaan Kasoo Baxay Baa waxaan Arkay Arday Meel iska Fadhiyo OO Iska Aamusan Ka Dib Waxaan Waydiiyey Waxa Ku Dhacay Waxa uu Ii sheegay Inuu Yahay Arday Dhigta Kuliyada Caafimaadka Ka dib waxa uu ii Sheegay In Lacagtii Fiiga Semestarka Ay Ka Dhiman Tahay wax Ka yar $10 kaliya Loona diiday Inuu Bixiyo Lacagta Runtii Ardaygaas hadalkaas Markii Uu igu Yiri Aad Baan U naxay Sababtoo Ah lacagtii Semestarka Inta Ka dhiman Yaraanteeda Baan ka Naxay Marak waa Wax Laga Xumaado In Arday Intaas oo Sanno Lacag Bixinayey Saas Loola Dhaqmo.


W\Q :ABDIHAMID HASSAN DAAHIR ABDI





Tuesday, March 5, 2024

Waxtarka Xabad Sowdada


 

Xabad Sowdadu Waxay Ku jirtaa Dhirta Waxtarka Badan OO Diinteena Ay Sheegtay 

Nabigeena Muxamed SCW Waxa uu Yiri "Xabad Sowdada waa Daawo Cudur Kasta Marka Laga Reebo Geerida.

Xabad Sowdadu Waxay Daawo U Tahay Cudarad Jirka Iyo Ruuxda Xabad Sowdadu Waxay Dawaysaa Xanuiuno Badan Waxaa Kamid AH:

Xanuunada Jirka Ku Dhaca

A( Kelya Xanuuka.

B(Gaaska

C(Difaaca jiirka oo Daciifa

D(Hargabka

E(Neefta

F(Lafa Xannuka.

Xannuno Badan Bay Daawo U Tahay Xabadsowdau.


2(Xanuunada KU Dhaca Ruuxda

A(isha

B(Sixirka

C(Xasadka 







Saturday, March 2, 2024

QISO BARYADA ILAAHAY


 Waxa uu ka sheekeeyey Sheekh Caaidal Qarni

Qisadan waxa uu yiri waxaa Dhacday in Nin Reer Miyi Maalin maalmaha ka mid Ah oo Baadi Doonay Xoolo Ka Baxsaday Kadib Waxa uu La kulmay Rati Dad lays Ah oo Qooqan Kadib Waa uu Cayrsaday Kadib Waxaa Dhacday In Uu Kagalay God Kadib waxa uu Dareemay Culsys Xagge Hoose Ka Dib Waxaa Dhacday Inuu Godka ka soo Baxay Mas wayn.

Kadib waxa uu yiri waxaa Qalbigayga kusoo laalaabanaysay Aayada  امن  يجيب المضطر  ادا دعاه ويكشف السوء 

KADIB BAA WAXAA DHACDAY IN MASKII BANAANKA U SOO BAXAY OO WAXAY IS QABSADEEN RATIGA KADIB SI XUN BAY ISKU DILEEN OO WAY IS CUNEEN SAA ANIGANA TARTIIB BAA MEESHII UGU SOO BAXAY 

ANIGOO NABAD QABA MARKA BARYADA ILAAHAY MARNA  HAKA CAAJISIN 

W/Q :ABDIHAMID HASSAN DAHIR ABDI 

GMAIL:Abdihamidhassan500@gmail.com. 

JAAMACADO MISE GOOBO GANACSI?

 D alka Soomaaliya Sanad Kasta Waxaa Ka Qalinjabiye Kumanaan Arday Oo Dhameeyey Dhaman Qaybaha Kala Duwan Kuliyadaha Jaamacadahaas. Waxaa Ma...