Wednesday, December 6, 2023

Dhibaatada Siigadu Keento

 

Maxay Siigeysi?

Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno "masturbation" waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka.

Caadadaan ma ahan mid diinta, dhaqanka iyo caafimaadkaba u roon, dhibaatooyin badan ayaaa laga dhaxlaa, dhalinyaro badan oo cadadaan joogteysay ayaa illaa hadda la rafaadsan dhibaatadii ka soo gaartay oo weli xal u heli la.





 

Sababaha Keena in Qofka uu Siigaysto



A(Qofka Oo Aan Samayn jimicsi 

B(Qofka Oo Ku Nool Meel Cidla Ah

C(Qofka oo Aan ka Bixin Guriga In Muddo

D(Ninka oo Muddo Noqda Xaas La,aan Ama Gabadha oo Aan LA guursan in Muddo Ah.



Dhibaatooyinka Siigada

 A(Daal Badan iyo Madax wareer Joogto Ah

B(Qofkii Oo Noqda mid Caajis badan Oo waxba Aan Awoodin.

C(Qofka Oo Ka lunta Kalsoonida

D(Ninka oo Ku Fashilma gogasha.

E(Qofka Oo Noqda mid Aan Tabar LaHayayn.

F(Qofka Oo Ay Ku Dhacaan Xanuunada Kilyaha.

G(Qofka oo Noqda mid Ku Nool Cabsi iyo Wal

H(Qofka oo Marka Uu Dadka La jooga Dareema Liidnaan Iyo Inuu Ka Hooseeyo


Sidee Loogo Hortagaa Siigada?

1.Samee jimicsi badan Ama Jimicsi Yar oo Fudayd oo Marka Ay ku Qabato Siigada Aad Maskaxda Ku Mushquuliso.

2.Hadii Aad Muddo Badan guriga Ku Qaadan Jirtay Samee Inaad Saacado Aad Banaanka Ku Qaadatid Adigoo La Qaadanaya Asxaabtaada Ama Ehelkaaga.

3.Iska Yaree Daawaashada Dumarka Aan Si Fiican U Asturnayn.

4.Jooji Daawashada Aflaamta xun xun iyo Dumarka Qaawan

5.Soon Usbuucii Labo Ama Saddex Maaalmood.


Sidee  Ugu Soo Kabtaa?

1.Isticmaal Fiitamiino Badan Sida Khudaarta 

2.Isticmaal Caanaha Geela Si Ay u Xoojiso Lafahaaga iyo xiddida Jirka.

3.Isticmaal Cuntada Boratiinku Ku Badan yahay sida Ukunta,Hilibka Kaluunka iyo Kan xoolaha.

Tuesday, December 5, 2023

Qiso xigmad badan (Daacad,Been ,Khiyaano)

 

Bari Baa waxaa Safar Wada Galay Saddex nin oo Saaxiibo Ahaa waxaa Lakala oran jiray Daacad ,Beenlow ,khiyaano.

Daacad waxa uu watay Timir Beenlowna Hilib solan Khiyaanana waxa uu watay muufo iyo Biyo waxaa lagu heshiiyey ninkasta in markii Sahaydiisa Ka dhamaato midka Kale wax ka siiyo.

Markii La socday maalintii oo Dhan baa Habeenkii Geed Hoos yimaadeen Nimankii 

Kadib way seexdeen subaxii Bay ka Kalaheen Makay Cabaar socdeen baa Beenlow Hilibkii Ka dhamaatay Ka Dib waxaa caawiyey oo siiyey timirtii Qaarkeed cabaar markii LA socday Baa khiyaanolow isagana waxaa ka Dhamaatay muufadii waxaa isna caawiyey Daacad.

Markii in Muddo Ah LA socday Baa Daacad waxa Uu U baahday Biyo khiyaanoloow baa biyahii u diiday Habeenkii Markii lagaaray Baa ceel ku yimaadeen ceelkii yaa Galaya baa LA iswaydiiyey Daacad baa Galay Markii Ceelka Biyihii Ay ka Dhargeen Buu waxa uu yiri Wadaantaa qabsanayaaye Isoo jiida Markay Soo Jiideen oo Dhexda Marinayaan Baa Bay Xarigii ugu Fuqeen Saa ceelkii buu ku dhacay Lugna waa Jabtay iyagiina way ka Tageen.

Maalinkii Markii LA gaaray Baa Ceelkii waxaa yimid Niman Safar Ah Oo Kadib wadaantii Bay soo dareen Ninkii miskiinka Ahaa Wadaantii Buu Qabsaday Banaankiina Buu yimid Nimankii way LA yaabeen waxay waydiiyeen Meesha maxaa kugaliyey waxa uu ku yiri"Niman saaxiibaday Ah baa ceelka biyo uga dhaanshay  markaan Rabay inaan kasoo Baxo Bay xarigii wadaanta igaga Fuqeen.

Nimankii waxay ninkii siiyeen Cunto biyo Dawo Geed Hoostiina Bay Kaga Tageen Habeenkii markii LA Gaaray Baa Ceelkii waxaa yimid Jin Jinkii waxa uu Leeyahay Walee Shan Faroodle waxba MA oga Buurtaan Ceelka u Dhow Waxaa ka Buuxa Dahab Mideeda Kale Geedkaan Ceelka ku Ag yaalana waxa uu Dawa U yahay Dadka Curyaamada Ah.

Ninkii Maalinkii Dambe Niman Safar Ah baa Magaalada u Qaaday waxa uuna ku yiri Ii Geeya Boqorka Kadib waa loo Geeyey Boqorku waxa uu Dhalay Gabar Curyaan Ah.

Waxa uu Ku yiri"Boqorow Gabadhaada Geed Dawo U Ah Baan Hayaa Boqorkii waxa Uu yiri Hadaad keentid Geedkaas Gabadha waan ku siinayaa LA Taliyana waan kaa Dhigayaa.

Ninkii Geedkii ceelka Buu Aaday wuxa uu soo gooey celeemihiisii Gabadhii Boqorka Buu siinayay Muddo Bil Ah Gabadhii way caafimaaday Kadib Ninkii Daacad Ha Boqorkii waxa uu ku yiri MA Ogtahay in Buuraha u dhow ceelka Dahab Ka buuxaan Boqorkii Dahabkii buu Soo qoday Kadib Boqorkii waxa uu u Guuriyey Gabadhiisa Ninkii Daacad Ahaa

Ayaan Ka Dib Boqorkii waa dhintay Boqortooyadii waxaa la wareegay Ninkii Daacad Ahaa.

Ayaan Kadib Baa waxaa warkii Maqlay Nimankii Ka Tagay saaxiibkood ceelkii Bay yimaadeen Way Dhax Galeen Habeenkii Baa jin Baa yimaaday waxay Dhaheen Sirteenii waa LA Maqlay kadib ceelkii Oo Dhan way Aaseen.

Nimankiina Halkaas Bay Ku dhinteen.

Dulucda Qisada :God khiyaamo Ha Qadin Hadaad. Qodina Ha dheereen Ku dhici Doontiyo MA Ogadi.

W/Q Abdihamid Sh.Hassan Daahir

Maamulaha Blogga Qisooyin1.blogspot.com 

Gmail:abdihamidhassan500@gmail.com. 

Monday, December 4, 2023

Adoonkii isku dirka badnaa

Nin maalqabeena Ayaa maalin suuqa Aaday kariba waxa uu Arkay nin Raba inuu Adoon Iska iibiyo kadib Ninkii buu ku yiri iga Iibi ninkii Adoonka lahaa waxa uu yiri waan kaa iibinayaa Laakiin Hal Cilad buu qabaa Ciladaas waxay Tahay Ninkaan waa Nin Waa isku sir badan yahay Ha Gagan Ninkii maalqabeenka Ahaa Waxa uu yiri Waan ku Rabaa Arinkaas ee IGa Iibi Ka Dib wuu Iibsaday markuu Ayaan la Joogay Baa Adoonkii waxa uu ku yiri Xaaskii maalqabeenka Ninkaaga Naag Kale Buu Qabaa Marka si Uu kuu jeclaado Caawa Marka uu seexdo Xabadkiisa Timaha Ku Yaala Saddex Xabo ka soo jar.

Ka Dib ninkii Maalqabeenka Ahaa buu U Tagay waxa uuna ku yiri  Sayidkaygiiyow Xaaskaagii caawa waxay Rabtaa Marka seexatid  Inay ku disho Marka Ushaada Hoosta Gasho Ka Dib ninkii Habeenkii markii Uu Seexday waxaa U Timid xaaskiisa Iyadoo Rabta In Ay Xabadkiisa Timaha ka jarato Ninkii Intuu booday oo Ushii qaatay baa side uu ula Dhacayey ilaa Ay Miyir Daboolanto Kadib Adoonkii Gabadhii Reerkoodii Buu Arintii U sheegay Ka Dib waxaa dhacday iyagana Weerar Bay Soo Qaadeen Kadib Ninkii Bay Dileen Maalqabeenka Ahaa Warkii waxaa Maqlay maalqabeenkii Reerkooda Iyagana weerar Bay soo Qaadeen Halkaas waxaa ka dhacay Dagaal Aad U xun oo la isku Baabay.

Ujeedka Sheekada Waligaa iska Ilaali Qof Isku dir Badan(wariif Ah)

Mahadsanidin.

W/Q :Abdihamid Sh.Hassan Dahir.

EMAIL:abdihamidhassan500@gmail.com. 

Sunday, December 3, 2023

Waligaa Been Ha sheegin

 

Waxaa ku noolaa Tuulo wiil yar wiilkaas yar waxa uu Aha mid subaxdii markii LA soo kaco Waxa uu Raaci jiray Xoolo Ay leeyihiin maalinkii Dambe markuu xoolihii Raacay oo uu in muddo Ah LA joogay baa wuu qayliyey waxa uu na yiri"Hayaay Hayaay Hayaay soo baxooy Alle Dhurwaaga markaasbaa qof kasta waxa uu soo qaatay waxa uu Awoodo Mid soo qaata Waran ,Ul,Dhabi Tooray .

Markii Dadkii u yimaadeen bay waydiiyeen Dhurwaagii markaas buu ku yiri waa idinku ciyaarayey Dadkii qofkasta waa xanaaqay oo gurigiisa buu Aaday isagoo caraysan. 

Maalinkii dambe baa markii uu Raacay xoolihii waxaa U yimid Dhurwaagii oo Run Ah kadib Waa uu Qayliyey Cid Usoo baxda waa LA waayey Dadkiina waxay Dhaheen waa kii oo Maantana Been Buu sheegayaa 

Ka Dib Xoolihii Oo Dhan Dhurwaagii baa ka cunay In Yar mooyee.

Dulucda sheekada Beentaada Hore Runtaada Dambe Bay U daran Tahay.

FG:xaquuqda qormada waxaa Iska Leh Aniga oo Ah Maamulaha Blogga Abdihamid sheikh Hassan Dahir.

Mahadsanidiin.

Wixii faah faahina Kala soo xiriir

PHONE NUMBER:+252906127970

AMA Gmail:abdihamidhassan500@gmail.com. 

Friday, December 1, 2023

Qisooyin Xikmado Badan

 a

a

 

·         LAYAABKA DUNIDA

 

·         QISOOYIN

 

·         WADANI

 

·         WAZAAARKA

 

Aabe Ma Idaymin kartaa Lacag

QISOOYIN

 

Aabe ayaa waqti danbe gurigiisa yimid , isagoo shaqadiisii kasoo rawaxay oo daalan , islamarkii uu gurigiisa soo galayba wuxuu lakulmay  wiilkiisa oo 5 sano jir ah oo irida guriga kusugaa.

”Aabe su’aal maku waydiin karaa ??” wiilkiiyaa yiri” Haa dabcan,, ee maxaa i waydiinee ?? aabihiiya
ku jawaabay ”Aabe saacaddii meeqa lacagaa ku shaqeydaa ? wiilkiiya su’aalay
Aabihii :Arin kuu taala maahan ! maxaa kugukalifaa inaad iwaydiiso su’aash oo kale ? aabihiiyaa ku yiri wiilkiikiis welibana isagoo
careysan.
Wiilkii :,, Waxaan rabaa oo kaliya
inaan ogaado ,waan ku baryaa aabe saacadii meeqaa ku shaqeydaa?”  “Haddeey qasabtahay inaad ogaato saacadii inta aan ku shaqeeyo, waa 200 shilin.
ALLA AABOOW waa BADAN BADAN !! wiilkiiyaa yiri , isagooy la badatay lacagta aabe u sheegay.
Markaasuu yiri : aabe haddaba 100 shilin ma ideymin kartaa?
Aabihii wuu ku xanaaqay wiilkii :
Aabihii :”,, Sababta kaliyee kugu kaliftay inaad
ogaato lacagtaan ku shaqeeyo saacadii, haddeey
tahay inaad iga qaadato 100 shilin Si aad ugu soo iibsato alaab qashina oo lagu cayaaro, sidaas haddeey tahay.
Soco qolkaaga gal , waad
Edebdarantahay intaan kuu jeedana seexo .
Ka feker inaan maalin walba saacado badan sooa
shaqeeyo , oo aanan WAQTI u heyn , su’aalo iyo
qashin lagu cayaaro.
Inankii yaraa oo gartay inuu aabe ka carooday su’aashiis,a yaa qolkiisa iska galay albaabkiina soo xirtay.

Odaygii wuu fariistay , wa xuuna
billaabay inuu is waydiiyo , kana welwelo su’aashi wiilka.
Sidee ugu dhiiraday inuu su’aasha iwaydiiyo? Kaliya ma inuu 100 shilin heloow ii
waydiiyay su’aashaas ??!!
Odaygii saacad kediboow is dejiyay , wuxuuna u garwaaqasaday/gartay inuu wiilkiisa si ad’adag ula hadlay.
Laga yaabee ineey jiraan wax aad
ugu muhiima, uu kusoo gadan lahaa 100 shilin,”Sida caadigaana inta badan wiilkeygu
sidaas iima waydiin jirin lacag ama qaabkaan oo kale.
Qolkii wiilkiisoow aaday , wuxuu ku yiri :
Aabihi : ”Masoo jeedaa , aabe?
Wiilkii :”Haa aabe, waan soo jeedaa” wiilkiiyaa ugu jawaabay.
Aabihii :,, Waxaan ka fekeray , inaan si caro leh kuula hadlay markii hore,’, Waxay ahayd maalin
dheer oo shaqo, waana kugu xanaaqay , hadda waatan 100 shilin ee qaado .
Wiilkii sariirtiiyow kusoo fariistay isagoo ka muuqato farxad, iyo filanwaaga lacagta aabe siiyay.”Alla aabe aadaa u mahadsantahay, wiilkiiya dhahay’isagoo dhoola cadeynaa. Markaa ayuu billaabay inuu raadiyo sanduuqiisa yaraa ee uu lacagta ku ridan jiray , wuxuuna kasoo baxshay lacag kale.
Aabihii oo arkaayay in lacag kale wiilku horay u heystay , yaa billaabay inuu ku xanaaqo .
Wiilkii yaraa lacagtiiyoow si degan u tiriyay, kedibna aabihiisow kor usoo eegay.
Maxaa ii waydiiday lacagta , adigoo horay lacag u heystay ? Aabihiiyaa waydiiyay wiilkii……Aabe markii hore maheysan lacag igu filan laakiin , hadda way ii dhantahay .
Aabe hadda 200 oo shilin ayaan heystaa ..”.Makaa gadan karaa 1 saac, oo waqtigaaga ka mida”??.

Aqristoow ma fahamtay Xikmada iyo ujeedka su’aasha wiilka yar.
Tani waa u xasuusin , aabe
walba oo waqtigiisa ka hagrada caruurtiisa , ama u shaqeeyo si joogto ah isagoo caruurta waqtigooda ka bakhiilay. Ogoow lacag walboo shaqeydo, waxaa ka anfaco badan kana waxtar badan Saacado kooban oo caruurtaada wax wanaagsan ugu sheegto Waxa xuna uga reebto.
Waa su’aal taabanaysa aabe walba oo ilmihiisa aan waqtigiisa siin. Yaa uga xaq badan ilmahaaga waqtigaaga?
Aabe ilmahaaga waqtigaaga , qayb wanaagsan ka sii.
U aqri cashiradooda , uga sheekeey
qisooyinkii , iyo sheekooyinkii Anbiyada, saxaabadii , iyo sheeko walba oo garaadka ilmaha
kobcinee ,
Maahan inaad uga sheekayso Dad qalato iyo qors maris , ilmaha cabsi iyo fuleynimo ka qaadaan.

Aqristoow aad baan kaaga mahad celinayaa , inaad waqtigaaga Qaaliga ah , u hurtay aqrinta sheekadaan.

mahadasandiin.


Wixii Faahfihina Oo Intaa Dheer Kala xiriir Whatsapp number 252906127970.

Email /Gmail  abdihamidhassan500@gmail.com

 

JAAMACADO MISE GOOBO GANACSI?

 D alka Soomaaliya Sanad Kasta Waxaa Ka Qalinjabiye Kumanaan Arday Oo Dhameeyey Dhaman Qaybaha Kala Duwan Kuliyadaha Jaamacadahaas. Waxaa Ma...