WADANI
QISOOYIN
WARKA
DIINI
Qisada maanta xalqadii 1aad
SHEEKO DAREEN LEH: AGOONKII GUUSHA GAARAY …
Axmed waa wiil dhallinyaro ah da’diisuna ay tahay 17 sano jir,
wuxu dhigta Dugsi quraan (Malcaamad) iyo dugsi waxbarasho oo uu aado gelinka
dabme, waana arday aad u dadaal badan oo weliba dabeecad furan, dulqaad badan
ardayda iyo macalimiinta aad ayay u jecelayeen.
QoyskaAxmedi waa kuwo aad u liita dhanka nolosha oo waa sabool
dan yar ah oo aan xolo hanti badan laheyn, waana kuwa ay soomaalida u taqaan
dabaqadda hoose, Oday Muuse waa aabbaha guriga waana masuulka keliya ee xilka
ka saaran inuu reerkiisa u soo shaqeeyo una keeno wax ay quutaan , waa
muruqmaal ku shaqeysta xoogiisa iyo dhididkisa xalaasha ah wuxuu leeyahay gaari
gacan oo uu ku xamaasho, wuxuna dhigta halka istaanka basasku yimaadan dadka
soo adeegtay ayuu alaabtooda u geeya guryahooda, subaxdi ayuu gurigga ka soo
kalahaa wuxuna ku laabta galabki asiga oo kisti uu soo shaqeystay u geeya
reerkiisa.
Dhowr jeer ayaa Axmed laga soo eryay iskuulka sabab lacagti
iskuulka oo uusan bixin awgeed, maalmo ayuu guriga iska joogi jiray marki uu
helo lacagti iskulka ayuudib ugu noqon jiray asiga oo wada lacagti, wuu ogaa
Shaafici nolosha ay ku noolyihiin inay aad u liidato balse waxa ka go’need inuu
wax barto si uu waalidki iyo walaalihi ka yar uu wax u taro.
Nolosha bani’aadamka ayaa ah mid iska daba wareegta oo hadba meel ka soo
muuqata, Soomaliduna waxay ku maahmaahda ”Adduun waa harka labaddi gelin”.
Taas oo micnahedu yahay in aysan jirin adduunka wax toosan maalin kasta waxa
dilaaca waa cusub oo hor leh.
Saacaddu waa 10 ee barqanimo waxa loo wada dareeray howl maalmedki
maalinta, ardaydi waxay u dareeren iskuulladoodi si ay waxbarashadooda u soo
qataan, si lama filaan ah ayaa waxa u billowday dagaal u dhaxeya laba
maleeshiyood; waa sida inta badan dhacda dal burburay oo aan dowlad dhexe iyo
nidaam iyo kala dambeyn laheyne, waana calaamadaha lagu garto in maalinkasta
rasaasta iyo dagaalo ay ka dhacaan.
Bulashada soomaliyeed waa ay la qabsaden gaar ahaan kuwooda ku nool magaala
madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Firxadki iyo kala orodki ayaa halkaa ka billowda nin walboo
nafta badbaadso ayuu xaalku marayaa, nasiib daro xabbadihi la is weedarsanaye
mid kamida waxa ay haleeshay Oday Muuse, halka ayuuna odaygi reerka ku
geeriyooday.Guriga Shaafici waxa taala geeridii aabihiis waa warmooge aan xog
ka ahayn waxna ka ogeyn waxaa gadaashiid dhacay, oo iskuulkisa iyo
waxbarashadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, waa nasiib xumo iyo ayaandaro ku
habsatay dalka soomaaliya maxaa hooyo asaay loo saaray? Maxaa ubadbadan aabbe
la’aan la dhigay oo agoon lagadhigay? Maxaa naf bani’adam si fudud loo dilay?
Axmed waxa u baryay waa cusub oo murug leh kuna qasabtay inuu isaga tago
waxbarashadii oodhan malcamadi iyo dugsigi uu dhiganayey , wuxuu u tafo xaytay
inuu shaqo helo si uu u caawiyo qoyskiisa , maadaama uu aha curudka reerka ugu
weyn wuu ku qasbana inu garab istaago hooyadiis.Muusan garaneyn meel uu wax ka
billaabo iyo qof uu ciirsi waydiisto toona, balse hal fikrad ayaa ku soo
dhacday maskaxdiisa taas oo ahed inuu ka mid noqdo dhallinyarada ka xoogsata
caseeynimada ama (baalash laha).
Axmed dhimashada aabihi waxa ka soo wareegtay 7 maalin, weli
wuxu garan la’yahay halka uu wax ka bilaabi lahay ma haysto lacag uu ku iibsado
qalabka caseeyaha, wuxu dhex fadhiya qolkisa fikir waa u dheeryahay durufta
adduunkane waaay ku hareeresan tahay, daaqada guriga ayuu bilicsaday misne wuxu
indhaha ku dhuftay oday u imaan jiray aabbihis; waxaana markiba ku soo dhacday
bal odaygaa u tag oo waydiso xooga lacag ah siaad shaqada u billowdo, waa uu ku
dhaqaaqay odaygi ayuu ka daba orday asigaoo magacisa ugu yeeraya adeer
Cabdi…adeer Cabdi odaygi ayaa gadaal soo eegaymise waaba Axmed oo neef tuuraya
”adee Axmedimaxa kugu dhacay oo aad la neeftureysa?” Axmed aya ugu jawaab
celiyay ”adeer adigan dan kaa lahay” ”Haye, wiilkeyga ii sheeg maxaa darnaa?”
”adeer wax daran ma jiran, waad la socota in aabbe geeriyoday adeer waxan ku
fikiray in aan hooyo kaalmeyo oo aan ilmaha iga yar aniga wax baro una shaqeeyo
ee adeer waxan ka rabay lacag aan alaabta caseeyaha ku soo gato wana kuu gudi
doona lacagtaas adeer..” marki uu intas hadalki marinayo ayu oday cabdi oo
indhihisa ilmo ku soo istagen ku yiri ” bis adeer macaan hadiba sidaa aad u
fikireyso aniga ku gadayo alaabta waxbane deyn kuguma ahan aabbaha wuxu ahay
saaxibkeyadigane waxad tahay wiilkeyga oo kale””Mahadsanid adeer ” Axmed oo
dhoolacadenayo ayaa sida ku jawaab celiyay.
Adeer cabdi wuxuu ku yiri soo qiimeyso allaabta, Axmed wuxuu u
keenay inta ku filan billowga, Axmed waa wiil hawlkar ah oo farxad badan,
isagoo lebisan oo dharkiisu u dhaqan yihiin ayuu hawsha soo galaa, wuxuu
yeeshay saaxiibo badan oo caseeyayaal ah, wuxuuna yeeshay macaamiil badan oo
bartey oo shaqadiisa ladhacay, Suuqii oodhan ayuu noqday shaqsi laga
jecelyahay, muddo markuu shaqeynayey ayuu wuxuu gurigooda hooyadiis
uga dhex sameeyey, Miis ay hilibka iyo qudaarta ku gado oo sidii dabakaayo ah,
waxaana isa soo kabay dhaqaalihii reerka, wuxuu kale oo iibsaday Axmed ilaa
Tobboneeyo Gaari gacan oo maalintii 10 kun ku kireyn jirey qofkaan lahayn,
sidoo kale wuxuu maal geliyey caseeyayaal badan isagoo iibsan jirey Jumlada
qasacadaha baalashka iyo burushyada waxna sii saaran jirey.
Axmedi saga oo aan 12
sanno gaarin ayuu wuxuu noqday nin leh waayo aragnimo ganacsi wuxuuna dib u
billaabay waxbarashadiisii habeennimo, Axmed wuxuu ka ilaaliay baahi iyo
darxumo 4 carruur ah iyo hooyadood, waa nin isku kalsoon, sidoo kale wuxuu
hadda hammigiisu gaarey inuu lacag buuran ku darsado shirkado waaweyn oo
suuqleyda aysaaxiibada yihiin leeyihiin.
Axmed ma noqon nin ku
seexda oo suga xoogga hooyadiis ee wuxuu noqday nin ay hooyadiiku seexatay,
maahmaah Soomaaliyeed ayaatiraahda ”Agoon ama caqli badnaa ama uur kuusnaa”
Axmed wuxuu noqday agoon caqli badan.Shaafici ma noqon nin ku biira kooxaha
maleeshiyaadka ah ee ka faa’iideysta duruufta danyarta, Axmed
ma noqon mid isu dhiiba quusta iyo mustaqbal xumada oo balwad iyo ciyaalla
suuqnimo ku dhaqaaqa shaafici ma noqon mid dantiisa ka dhiga
wax aan naf u lahayn ee wuxuu noqday nin karmeed dirac ah oo naftiisa iyo
tan qoyskiisa guntiga u xirtey guulna gaarsiiyey iyo libin, wuxuu noqday
mid hantey qalbiyada dadka oodhan, wuxuu noqday mid walaalihiis u buuxiya
booskii aabbahood, wuxuu noqday mid hooyadii u noqda gacanta midig, wuxuu
noqday Agoonkii guuleystay ee gaaray libintiisa.Dedaalaa waa gaara
dantiisa, maanta Axmedwuxuu isku helay,
Waxabarasho oo xoogiisa isaga baxsho, nolol xarago iyo xoolo uu xoogsaday iyo
farxad aaney qoyskiisu murugo arag, Axmed wuxuu odorasayaa inuu guriga
mitirkuubbada ah ee alwaaxa ka samaysan mustaqbalka sar kadhiso.Waxaa jira kuwa iskoolka la dhigan jirey oo
Aflagaadeyn jirey oo caseeye caseeye ka daba dhihi jirey, maantana ka barya
shaneemada naga bixi iyo sigaar noo gad. Shaqo waa sharaf, qofkuna inuu isku
filnaadaa waa guushiisa inuu is liidoo oo waxba qabsan waayaana waa guuldaradiisa.
Axmed wuxuu noqday nin isku filan, dedaalkiisa ayuu ku gaarey ( Waxaan loo
dhididin laguma dheefsado) Facebook
·
"
,